Taliyihii Ciidamada Qalabka Sida Kenya oo ku geeriyooday shil diyaaradeed

April 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dalka Kenya William ayaa xaqiijiyay in taliyahii ciidamada qalabka sida Kenya janaraal Francis Ogolla ku dhintay shil diyaaraddeed oo maanta galinkii dambe ka dhacay Gobolka Rift Valley.

Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale sheegay in sagaal qof oo kale oo diyaaradda saarnaa ay ku dhinteen shilka, labo kalena ay badbaadeen.
Taliyahii Ciidamada Kenya iyo saraakiil la socotay ayaa waxaa la dhacday diyaarad nooca qumaatiga oo kacda wax yar kaddib markii ay kacday.

Madaxweynaha Kenya ayaa ku dhawaaqay sedex maalmood oo baroor diiq ah, iyadoo calanka wadanka hoos loo dhigay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More