Talo Sharci oo la xiriirta Xukuumadda cusub ee RW Xamse.

June 19 (Jowhar.com)-Laamaha dowladdu waa saddex (Garsoor, Baarlammaan iyo Fulin), hay’adda dalka maamusha waa hay’adda dambe, waxayna ku maamushaa dhawr arrin oo kala ah:

1. Shaqaale dowladeed 2. Hanti dowladeed iyo 3. Sharciyo awood u siinaya inay Go’aammo iyo heshiisyo maamulba ay gasho.

Hawlaha fulineed ee laantan waxaa qabta hay’ado guud (Public Bodies) oo ay ugu horreeyaan Wasaaradaha, Wakaaladaha, Guddiyada iyo xafiisyada madaxa-bannaan. Hay’adahan oo dhan waxaa jira Mabaadi’ qaanuuneed oo haga dhisiddooda, shaqadooda iyo kala-diriddooda.

Mabda’a qaanuuneed ee ugu muhiimsan waa in hay’adda, inta aan la dhisin oo aan la hawl-gelinin la soo saaraa sharcigii ama ugu yaraan Xeernidaamiyihii (Regulation ama Laa’ixa) lagu dhisi lahaa kuna hawl-geli lahayd.

Wasaaradaha Soomaaliya Xeerka ugu caansan ee lagu dhisay waa Xeer Lr. 14 ee 3 June 1962 iyo wax-ka-baddelladiisii kala dambeeyay, taasoo caddeynaysa in markasta oo Wasaaradaha wax laga baddelayo ay ahayd in xeerka wax laga baddelao.

Arrintan waxay yarayneysaa is-qabqabsiga hay’adaha dowladda ee shaqooyinka xukuumadda la xiriira, waana sida sharci ahaan saxda ah.

Si loo unko hay’ad dowladeed sida Wasaarad waa in sharcigii lagu dhisi lahaa la soo saaraa.

Waayadan dambe waxaa soo batay, in Wasaarado cusub ama kuwo hal ahaa oo la kala qaado iyo hay’ado cusub la sameeyo isla-markaasna dad loo magacaabo, iyadoo aysan jirin sharcigii caddeyn lahaa shaqada ay qabanayaan, taas waxay keentay is-qabqabsi joogta ah oo curyaamiyayshaqada dowladda.

Waxaa kale oo xusid mudan, magacyada Wasaaradaha ee xeerkaas aan sootilmaannay iyo wax-ka-baddelladiisii kala dambeeyay ay qeexeen, ama kuwo in mudda ah soo jiray, inay ku soo baxeen xeerar badan oo waajibaad iyo awoodo siinaya Wasiirka Wasaaraddaas. Waxaa se dhacda in Wasaarad jirtay la burburiyo, su’aasha imaanaysa ayaa ah, waajibaadkaas iyo mas’uuliyadahaas yaa qaadanaya, yaase fulinaya sharcigaas Wasaaraddii lahaydba la baabi’iyay.

Waxaan TALO ku bixinayaa, in Wasaaradaha Xeerkaas kor aan ku xusnay lagu sheegay iyo kuwa in muddo ah soo jiray oo magacyadoodu xeerar ku soo baxeen aan la baddelin, kuwo cusub haddii la sameynayana ugu yaraan Xeer-nidaamiye (Regulation ama Laa’ixa) Golaha Wasiiradu ansixiyeen, laga hormariyo inta aan Wasiir loo magacaabin Wasaarad
cusub.Talo Sharci oo la xiriirta Xukuumadda cusub ee RW Xamse.

Deganaansho sharci iyo mid maamul ayay keenaysaa haddii Taladan la fuliyo.
Wa billaahi tawfiiq.
Waxaa qoray AVV. C/Qaadir Sheylila.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More