Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka ku dhuftay Morooko oo kor u dhaaftay 2,000 oo qof

Sep 10 (Jowhar.com)-Tirada dhimashada dhulgariirkii xoogga badnaa ee ku dhuftay dalka Morooko ayaa kor u dhaaftay 2,000 oo qof, iyadoo tiro intaa la eg ay ku dhaawacantay.

Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa sheegtay in 1,400 oo qof ay qabaan dhaawacyo halis ah, waxayna dhibaatada ugu culus ay ka dhacday Koonfurta magaalada Marrakesh.

Boqor Maxamedka lixaad ayaa ku dhaawaqay sedex maalmood oo baroordiiq qaran ah, isagoo amray in dadka badbaaday lala gaaro hoy, cunto iyo wax kasta oo caawimaad ah.

Dadka ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya dhulka bannaan.

Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ku dhuftay Marrakesh iyo magaalooyin badan habeenimadii Jimcaha. Dhulka fog ee buuraleyda ah ayaa la soo weriyay inay dhulka la sinmeen.

Goobta udub dhexaadka u ah dhulgariirka ayaa lagu sheegay buurta atlas oo 71km (44 mile ) koonfur Bari ka xigta magaalada Marrakesh oo ah magaalo taariikh fog leh, kuna caana talxiisayaasha.

Laakiin sidoo kale waxa dhulgariirka laga dareemay magaalooyinka Kasabalanka, Cagadir iyo Essaouira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More