Tirada dadka uu soo ridanayo cudurka Busbuska Daanyeerka oo korortay

June 05 (Jowhar.com)-Hay’ada Caafimaadka Adduunka”WHO” ayaa xaqiijisay in 780 kiis oo ah busbuska daanyeerka laga helay waddammada aan inta badan laga helin fayraska.

Tiradan ayaa waxay qiyaas ahaan saddex jibaaran tahay 257 kiis oo ay sheegtay hay’adu toddobaad ka hor.
WHO ayaa sheegtay in tirada saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay -ay aad u badan tahay mid aan la dhayalsan karin. balse heerka qataraha caalamiga ah ay ka tahay dhexdhexaad.

Caadi ahaan infekshanku waa mid fudud, laakiin tani waa markii ugu horreysay oo uu si weyn ugu fido meel ka baxsan Bartamaha iyo Galbeedka Afrika.

WHO waxa ay sheegtay in kiisas laga helay 27 waddan oo aan markii horeba “ku dhicin” – taasoo la macno ah meelo la filayo in laga helo.

Inta badan kiisaskan cusub waxay ku sugan yihiin Yurub iyo Waqooyiga Ameerika iyo sidoo kale tiro yar oo laga helay wadamada Mexico, Argentina, Morocco iyo Imaaraadka Carabta.

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa leh kiisaska ugu badan, oo leh 207, waxaa ku xiga Spain 156 iyo Portugal oo leh 138.

“Inkasta oo khatarta hadda jirta ee caafimaadka bini’aadamka ay u leedahay dadweynaha guud ay tahay mid hoose, khatarta caafimaadka dadweynaha waxay noqon kartaa mid sare haddii fayrasku ku faafo waddamada aan sida caadiga ah laga helin,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay hay’adda WHO.Si kasta ha ahaateen illaa hadda lama soo sheegin wax dhimasho ah oo ka dhashay cudurka hadda dillaacay.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in inta badan dadka laga helay cudurkan ay yihiin rag galmo la sameeyay rag kale. Ma jiraan wax caddaynaya in busbuska lagu kala qaado galmada, laakiin waxa lagu kala qaadaa xiriir dhow.

Kiisaska ugu badan ee fayrasku waxay iskood ku baaba’aan dhowr toddobaad gudahood. Calaamadaha waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, barar, dhabar xanuun, murqo xanuun, iyo sidoo kale finan soo mara heerar kala duwan.
Busbuska daanyeerka ayaa mararka qaar aad u sii darsan kara, si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in uu hore dad ay ugu dhinteen cudurkan wadadmada ku yaal Galbeedka Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More