Toogasho dad badan ku dhinteen oo markale ka dhacay Maraykanka

Toban ruux oo uu ku jiro sarkaal booliis ah, ayaa la dilay Isniintii ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay dukaan cuntada lagu iibiyo oo ku yaal Boulder, Colorado.

Toogashada oo ka dhacday dukaanka King Soopers ayaa imaaneysa wax ka yar todobaad kadib weeraradii toogashada ahaa ee lagu qaaday seddex goobood oo ku yaal agagaaraha Atlanta halkaas oo ay ku dhinteen sideed qof.

Qof lagu tuhunsan yahay inuu falkan ka dambeeyay ayaa xabsiga ku jira sida uu sheegay Taliyaha Booliska Boulder, laakiin mas’uuliyiintu ma faahfaahin wax macluumaad ah oo ku saabsan nooca hubka la adeegsaday iyo ujeeddada laga leeyahayba.

Herold wux ay sheegtay in sarkaalka la dilay, 51 jir Eric Talley, uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horeysay ee ka jawaabtay goobta. Talley wuxuu ku biiray booliiska Boulder 2010, ayay tiri.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More