Mar 08(Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday mas’uuliyadda weerar cirka ah oo lagu qaaday dugsi hoose oo gabdho ku yaalla koonfurta Iran, kaas oo dilay ku dhawaad 175 carruur ah oo dhigata dugsiga hoose maalintii ugu horreysay ee dagaalka. Trump wuxuu ku adkaystay in weerarka ay fulisay Tehran (Iran), inkasta oo ay jiraan caddeymo sii kordhaya iyo baaritaanno warbaahineed oo muujinaya wax ka duwan.
Trump oo la hadlayay saxafiyiin isagoo saaran diyaaradda Air Force One, ayaa yiri:
“Waxa aan arkay marka la eego, arrintaas waxaa sameysay Iran. Hubkoodu aad buu u khaldan yahay oo sax ma aha. Iran ayaa sameysay.”
Sidoo kale Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa diiday eeddaas, isaga oo sheegay:
“Dhinaca kaliya ee bartilmaameedsada dadka rayidka ah waa Iran.”
Si kastaba ha ahaatee, baaritaan qoto dheer oo ay sameysay wargeyska New York Times ayaa sheegaya in dugsiga laga yaabo in uu ku dhacay weerar Mareykanku ku qaaday xarun militari oo Iran leedahay oo u dhow, taas oo dhalisay su’aalo waaweyn oo ku saabsan sababta Trump u diiday mas’uuliyadda weerarka.
Trump sidoo kale wuxuu ka leexday eedeymaha Iran ee sheegaya in Mareykanku uu weeraray warshad biyaha cusbada laga saaro (desalination plant), wuxuuna taa beddelkeeda bilaabay inuu ku eedeeyo Iran falal arxan darro ah.
Wuxuu yiri:
“Waa dadka ugu shar badan ee abid dhulka jooga. Ilmaha yar yar ayay madaxa ka gooyaan. Haweenkana laba ayay u kala jarjarayaan.”










