Jan 20(Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku baahiyey sawir uu wax ka beddelay khariidadda Mareykanka, kaas oo muujinaya in dalalka Canada, Greenland, Venezuela iyo Cuba ay ka mid yihiin gobollada hoos yimaada dhulka Mareykanka.
Sawirkan ayuu Trump u adeegsaday inuu kaga jawaabo hoggaamiyeyaasha Yurub iyo kuwa caalamka, kuwaas oo si adag u dhaliilay tallaabooyin iyo go’aammo siyaasadeed oo uu dhawaan qaatay.
Khariidadda la faafiyey ayaa sidoo kale muujinaysa hoggaamiyeyaasha Yurub oo hor fadhiya sawirka, taasoo muujinaysa fariin siyaasadeed oo tilmaamaysa khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Mareykanka iyo qaar ka mid ah dalalka reer Yurub.
Falalkan ayaa dhaliyey dood iyo falcelin ballaaran oo ka dhex aloosan baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka, iyadoo dad badan ay u arkeen tallaabo kaftan siyaasadeed ah halka kuwo kalena ku tilmaameen mid kicin karta xiisado diblomaasiyadeed.










