Trump oo ka tegey gurigiisa kuna sii jeeda Maxkamada Manhattan

Apr. 04 (Jowhar.com)-Donald Trump Madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa goordhow ka tagay daarta Trump Tower.

Waxaana uu ku sii jeedaa maxkamad ku taal New York halkaas oo uu si rasmi ah u noqon doono madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo xil haya ama ka degey taariikhda oo lagu soo oogo dambiyo.

In kasta oo tafaasiil badan oo ku saabsan dacwadiisa New York aanay weli caddayn, hase yeeshee waxaa garsooraha dacwada qaadaya la sheegay inuu yahay Manuel Merchan.

Merchan, oo 60 sano jir ah ayaa ah garsooraha Maxkamadda Sare ee New York, waa ruug-caddaa nidaamka maxkamadda New York oo in ka badan 12 sano uu kursiga ku fadhiyey.

Trump, ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha, waxana uu dhaleeceeyay garsooraha isagoo bartiisa bulshada ee Truth Social Jimcihii, ku sheegay Merchan ” wuu i necbahay”.

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya magaalada New York ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Maraykanka uu gaaray Maxkamada Manhattan.

Waxa ay u muuqataa in madaxweynihii hore, uu ka soo galay maxkamada albaab sir ah halka ugu yaraan darsin saraakiil NYPD ah ay ilaalinayaan afaafka hore ee maxkamadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More