Trump oo qaaday go’aan kale oo ka dhan ah Soomaalida Mareykanka

261

Jan 09(Jowhar)-Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa ku dhawaaqay go’aan saameyn weyn ku yeelanaya dadka ku nool Minnesota, gaar ahaan Soomaalida.

Laga bilaabo berrito, qof kasta oo qaata gargaarka dowladda (Public Assistance) looma oggolaan doono inuu lacag dibadda u diro.

Xoghayaha ayaa sheegay in tallaabadan looga gol-leeyahay in lagu joojiyo wax uu ugu yeeray “lacagta bilaashka ah ee loo diro Soomaaliya” iyo la dagaallanka wax is-dabamarinta ka jirta Minnesota.

Go’aankan kama dhigna inaan wax lacag ah Soomaaliya loo soo diri karin, maadaama uu yahay mid ku kooban dadka kaalmada hela. Hase ahaate waa tallaabo kale oo culays ku ah Soomaalida guud ahaan.