Turkiga oo hoggaanka Xamaas ku amaray iney deg deg uga baxaan dalkaasi

Oct 24 (Jowhar.com)-Turkiga ayaa beeniyay inuu ku amray hoggaanka Xamaas inay isaga baxaan Turkiga , sida lagu sheegay qoraal ay baahisay madaxtooyadda , kaddib markii ay soo baxday warka ku saabsan 7 Oktoobar inay mas’uuliyiinta Turkiga u sheegeen hoggaanka Xamaas inay isaga baxaan dalka.

Dhinaca kale, ilo ka tirsan Xamaas ayaa Ria Novosti u sheegay in Xamaas ay si madaxbannaan u go’aansatay inay ka baxdo Turkiga,kaddib markii sirdoonka Turkiga ay muujiyeen inaysan awoodin inay ka ilaaliyaan Israa’iil.

“Sirdoonka Turkiga ayaa 7-dii Oktoobar 10.00 fiidnimo la kulmay hoggaanka Xamaas, waxayna ku wargeliyeen in maamulka Turkiga aysan awoodi doonin inay sugaan ammaankooda,intaa ka dib, hoggaamiyeyaasha Xamaas waxay go’aansadeen inay ka baxaan Turkiga.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Xamaas oo la hadlay Ria Novosti.

Inta badan hoggaanka Xamaas, ayaa hadda ku sugan magaalada Doha, ee xarunta Qatar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More