UK oo ka digtay muddo kororsi loo sameeyo muddo xileedka dowladda

Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika James Duddridge ayaa ka digay muddo kororsi loo sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda uu haatan waqtigeeda dhammaaday.

War saxaafadeed uu Wasiirka soo saaray ayaa waxaa uu walaac ka muujiyay xal la’aanta arrimaha siyaasadeed, iyadoo aan weli is afgarad laga gaarin hannaanka doorashada.

“UK ma taageeri doonto ficil kasta oo horseeda hannaan doorasho kala qeybsan, mid barbar socota iyo in toos muddo kordhin loogu sameeyo muddo xileedkii hore”ayuu yiri James

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in si degdeg ah loogu baahan yahay inay isu yimaadaan Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed oo ay heshiis guud ka gaaraan hirgelinta geeddi socodka doorashada, iyadoo la raacayo heshiiskii doorashada ee 17 September iyo soo jeedintii guddiga farsamada ee Baydhabo.

Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii u dambeeyay walaac ka muujinayay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo is mari waaga ka taagan doorashooyinka, waxaana baaqyo toos ah ka imaanayaan caasimadaha dalalka taageera Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More