Ukraine oo sii kordhisay duqeynta ay ka geysanayso caasimada Ruushka ee Moscow
Aug. 01 (Jowhar.com)-Dhisme ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow ayaa markii labaad laba maalmood gudahood lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn.
Duqa magaalada Moscow Sergei Sobyanin ayaa hase ahaatee sheegay in dhowr diyaaradood la soo ridey balse mid ka mid ah diyaaradaha ayaa gantaalo ku dhufatay mid ka mid ah daaraha ugu dhaadheer magaalada Moscow. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ku eedeysay Ukraine inay ka dambeysay weerarkii ugu dambeeyay.
Balse Maamulka Kyiv ayaan ka hadlin mas’uuliyadda, laakiin wuxuu uga digay Ruushka in colaadda ay dhawaan u gudbi karto dhulkeeda.Ma jirto cid wax ku noqotay weerarka ka dhacay dabaqa dheer ee IQ-Quarter Tower 1 balse waxaa ka dhashay burbur xoog leh.
Dhismahan waxaa xarumo ku leh kooxo ka socda wasaaradda horumarinta dhaqaalaha ee Ruushka, wasaaradda dhijitaalka ah, iyo wasaaradda warshadaha iyo ganacsiga.
Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay inay fashilisay Weerar Argagixiso ayna soo rideen labo diyaaradood oo kale oo laga leeyahay Ukraine kuwaasoo lagu soo riday nidaamka lidka diyaaradaha meelo kale oo ka tirsan gobolka Moscow.
Gegida dayuuradaha ee Vnukovo ee Moscow ayaa sidoo kale muddo kooban la xiray,sida ay shaacisay wakaaladaha wararka ee Ruushka.
Moscow ayaa marar badan ku eedaysay Ukraine inay duqaymo diyaaradeed ka fulisay dhulkeeda bilihii la soo dhaafay, oo uu ku jiro midkii Kremlin-ka ee uu madaxweyne Vladimir Putin ka deggan yahay caasimadda bishii May.
Inkastoo Ukraine aysan sheegan mas’uuliyadda dhacdooyin gaar ah, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in weerarrada ka dhanka ah dhulka Ruushka ay yihiin hannaan lama huraan ah, dabiici ah oo cadaalad ah.
Ruushka ayaa duulaanka buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.