Urur goboleedka IGAD oo kulan ka yeelanaya xaalada wadanka Itoobiya

Madaxda wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa shir loogaga hadlayo arrimaha wadamada Sudan iyo Itoobiya ku yeelanaya 15ka bishan magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxda ka qeybgalaysa kulankan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa sheegay in mowqifka dowlada Soomaaliya uu yahay in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda u dhaxeysa Ciidanka xukuumada Itoobiya iyo Ururka TPLF.

Kulanka madaxda IGAD ayaa ku soo beegmaya xilli laga rajo dhigey in wadahadal lagu dhameeyo colaada ka jirta dalka Itoobiya.

Afhayeen u hadlay jabhadda Tigray ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku sii siqayaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More