Ururka Xisbullah oo madaafiic ku garaacay Waqooyiga Israe’il

April 17 (Jowhar.com)-Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa madaafiic ku garaacay xarun ciidan oo ciidamada Israe’il ku lahaayeen Waqooyiga halkaas oo ay ku dhaawacmeen 18 askari,iyadoo sheegtay inay aargoosi u ahayd duqeymo ay Israa’iil ku dishay xubno ka tirsan Xisbullah.

Kooxda Xisbullah ayaa sheegtay in ay weerar isugu jira gantaalo la hagayay iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen xarun cusub oo sahan ciidan ah oo ku taal Arab al-Aramshe, oo ah tuulo ay ku badan yihiin Carabta oo ku taal waqooyiga Israe’il una dhaw xadka Lubnaan.

Milatariga Israel ayaa qirtay in 18 ka mid ah askartooda ay ku dhaawacmeen weerarka iyadoo lix ka mid ah askartaana ay xaaladoodu halis tahay.Milatariga Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen saldhigyada Xisbullah ee bariga Lubnaan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii Israa’iil ay duqaymo ka fulisay koonfurta Lubnaan ay ku dishay saddex qof oo uu ku jiro taliye ka tirsan Xisbullah oo ay ciidamada Israa’iil ku sheegeen magaciisa Ismail Yusaf Baz.
Maamulka maxalliga ah ee Israel ayaa sidoo kale sheegay in saddex qof ay ku dhaawacmeen weerar ka yimid Lubnaan Talaadadii.

Isniintii, dhowr askari oo Israe’iliyiin ah oo u tallaabay dhulka Lubnaan ayaa ku dhaawacmay kaddib markii Xisbullah ay miino ku qarxiyeen, waana weerarkii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah muddo lix bilood ah oo ay socdeen dagaallo.

War qoraal ah oo kasoo baxay ururka Xamaas ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay walxaha qarxa ku xireen deegaanka Tel Ismaaciil ee koonfurta Lubnaan.

Hezbollah iyo Israel ayaa in ka badan lix bilood is weydaarsanayay xabado barbar socda dagaalka Qaza oo ah colaadii ugu darneyd tan iyo sanadkii 2006-dii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More