Villa Somaliya oo banaanka keentay arrin uu qariyay wasiirka Gaashaandhigga dalka.

Dec. 25 (Jowhar.com)-La-taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha Turkiga ay qeyb ka yihiin duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka dhaca qeybo kamid ah gobolada dalka.

Turkiga ayuu sheegay iney kaalin muuqata ka ciyaarayaan howlgalada Shabaab ka dhanka ah, isagoo sidoo kale ku amaanay iney tababareen ciidamadda ugu badan ee haatan safka hore uga jira dagaalka socda.

“Dowladaha dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka cirka naga taageera waa badan yihiin, dowladda Turkiga cir kaliya nagama taageerto oo ciidanka ugu badan ee dagaalmaya ayey noo tababartay,” ayuu yiri Xuseen Macalin oo u waramay Warbaahinta dowladda.

Hadalka ka soo yeeray Lataliyaha dhanka amaanka ee madaxweynaha ayaa meesha ka saaray war uu todobaadkii hore sheegay Wasiirka Gaashaandhigga dalka C/qaadir Maxamed Nuur, kaasoo ku inkiray in diyaaradaha Turkida ay duqeymo ka geysteen deegaano Shabaab ay ku sugnaayeen, ayna qeyb ka yihiin dagaalka socda ee Shabaab ka dhanka ah.

Mareykanka iyo Turkiga ayaa dhanka cirka ka taageeraya howlgalada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda Hirshabelle, waxaana guulaha ay ciidamadda dowladda gaareen sabab u ahaa duqeymaha is daba jooga ah oo jah wareer ku riday maleeshiyaadka Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More