Villa Soomaaliya oo wali xal u raadineysa khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Jubaland

0
90

Nov 28(Jowhar)-Madaxtooyada Soomaaliya ayaa weli ku jirta jahawareer siyaasadeed oo ku saabsan sidii heshiis rasmi ah loola gaari lahaa maamulka Jubbaland, iyadoo qodobada miiska yaalla ee la xiriira awood qaybsiga iyo maamulka doorashooyinka ay weli yihiin kuwo adag oo aan xal rasmi ah laga gaarin.

Sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay, dalal dhowr ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday dhexdhexaadin ayaa weli ku dadaalaya in wada hadallada la qabto ka hor 15-ka November 2025. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaa lagu waramayaa inuu weli ka labalabeynayo safar uu ku tago magaalada Kismaayo, inkastoo uu hore u sheegay in ay ka go’an tahay in wadahadalladaas ay guuleystaan.

Xubno ka tirsan saaxiibadiisa siyaasadeed ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay diyaar u tahay in Jubbaland lagu dayo laba sano oo muddo kororsi ah, taasoo ka bilaabaneysa waqtigii uu Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ka baxay shirkii Muqdisho. Haddii heshiis noocaas ah la gaaro, waxay noqon doontaa dib u celin ku saleysan nidaamkii uu hore u dejiyey Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, haddii ay fashilmaan wadahadallada la filayo, ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Villa Soomaaliya ay dib u adeegsan karto “kaarka Gedo”, oo ah qorshe siyaasadeed hore loogu isticmaalay si cadaadis lagu saaro Jubbaland.

Arrintan ayaa la filayaa inay si weyn u saameyso xasilloonida siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiriirka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo beesha caalamkuna si dhow ula socoto horumarka wadahadalladan adag.