Thursday, August 13, 2026
Home NEWS Volodymyr Zelensky ayaa Yuriy Tokar u magacaabay safiirka Ukraine ee Soomaaliya

Volodymyr Zelensky ayaa Yuriy Tokar u magacaabay safiirka Ukraine ee Soomaaliya

73

Aug 13 (Jowhar)-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Yuriy Tokar u magacaabay Safiirka Ukraine u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo isla markaana haya xilka safiirnimo ee dalkiisa u qaabilsan Kenya. Madaxweynaha ayaa saxiixay wareegtada arrintan khuseysa ee lambarkeedu yahay 717/2026.

Sida ku cad dukumeentiga, Yuriy Lyubomyrovych Tokar, oo ah Safiirka Ukraine u fadhiya Jamhuuriyadda Kenya, ayaa hadda sidoo kale qaban doona waajibaadka Safiirka Ukraine u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Horay, Volodymyr Zelensky ayaa Yuriy Tokar — oo ah Safiirka Ukraine u fadhiya Kenya — ugu magacaabay Safiirka Ukraine u fadhiya Midowga Comoros, isagoo xilkaasna haya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa November 2025 waxa ay danjire u dirsatay Dalka Ukraine, tallaabadaas waxa ay gogol-xaar u noqonatay dib usoo celinta cilaaqaadka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Kyiv.