Waaiirka Caafimaadka oo xilkii ka qaaday Agaasimaha Isbitaal Banaadir

843

Nov 07(Jowhar)-Wasiirka Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa xilkii ka qaaday Agaasimaha Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir,wuxuuna Cabdirisaaq Shariif Cali u๐ฎ u ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ข๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š & ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ.

Arrintan ayaa salka ku heyso dhacdadii xalay baraha bulshada qabsatay ee Haweeneyda kuhor umushay banaanka Isbitaalka kadib markii ay gurmad ka weysay Isbitaalka.

Waxaa sidoo kale isbedel maamul lagu samayn doonaa qaybo ka mid ah isbitaalka, iyadoo shaqada laga joojinayo shaqaalihii shaqaynayay habeenkii ay dhacdadu dhacday.

Wasiirka ayaa Agaasimaha cusub faray inuu waajibaadkiisa u guto si ay ku jirto masuuliyad, hufnaan, daryeel bukaan iyo isla-xisaabtan, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar, si hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo degdeg ah oo baniโ€™aadannimo ku dhisan.