Waare “Wasiirka Gaashaandhigga wuxuu halis galiyay nolosha Taliye Mahad salaad iyo Xasan Cali nuur Shuute”

Sep 05 (Jowhar.com)-Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha Maxamed Cabdi Waare ayaa eedeyn culus u jeediyay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, isagoo ku eedeeyay inuu sabab u ahaa askartii iyo saraakiishii lagu laayay weeraradii Shabaab ay ku galeen magaalooyinka Galcad iyo Cowswayne.

Waare oo sidoo kale soo noqday madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in arrimahaasi ay sabab u yihiin amarro qaldan oo uu bixiyay wasiirka, isagoo ka dhega fureystay baaqyada taliyayaasha ciidamadda.

Waxa uu sidoo kale sheegay ine dhimasho ku sigteen taliyaha NISA Mahad Salaad iyo gudoomiyaha maxkamada ciidmaada Xasan Shuute oo Galcad diyaarad ku tagi gaaray, xili ay isaga soo bexeen ciidamada dowladda.

“Wasiirka gaashaandhiggu amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure… lacago ayuu siin jiray Taliyaal urur, Taliyaal Horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray, waliba halis ayuu galiyay Mahad Salaad iyo Shuute,”ayuu yiri madaxweyne hore Waare.

Waare oo wareysi siiyay warbaahinta Hanoolaato ayaa dhinaca kale tilmaamay in beesha Hawiye aaney daacad ka eheyn dagaalka ka dhanka ah Shabaab, isagoo taasi sabab uga dhigay ineysan kumideysneyn qaadista gulufka Shabaab.

“Dad inay yiraahdaan wiilkii ila dhashay ee Shabaabka ahaa ayaan qooraha & Madaxa kasoo jaraynaa,  dadna ninkii qaraxyadii lagu xasuuqmay ka dambeyay oo saraakiil dilay in ay isku sawiraan yiraahdaan anigaa wasiirkiisa & xildhibaankiisa ah ,,, dadkaas miyaa isku mid noqon kara oo daacad ay ka wada tahay la dagaalanka Khawaariijta,, ayuu yiri Waare.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Xasan Sheekh uu degamda Maxaas u tagay sidii uu halkaasi ugu soo abaabuli lahaa ciidamo deegaanka ah oo ka qeyb qaata xorreynta Bariga Gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More