Wabiga Shabelle oo ka fatahay deegaanka Raqayle ee degmada Jowhar (Sawiro)

Apr. 01 (Jowhar.com)-Wabiga Shabelle ayaa ka fatahay deegaanka Raqayle oo dhinaca Koofur Bari ka xiga magaalada Jowhar illaa 7km, iyadoo uu ku dhintey wiil 9 jir ah.
Guddoomiyaha tuulada Raqayle Ibraahin Xaaji Mustaf ayaa sheegay fatahaada wabiga ay hore u qaadeen wiil yar oo 9 jir ah oo illaa hadda la la’ yahay. Fatahaada wabiga ayaa waxaa ay baabi’iyeen beero boqolaal hekter ah oo ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan.

Shacabka ku nool tuulada Raqayle iyo deegaanada ku dhowdhow ayaa bilaabay inay la tacaalaan fatahaada wabiga Shabelle.

Guddoomiyaha tuulada Raqayle ayaa ugu baaqay maamulka degmada Jowhar kan gobolka Sh/dhexe iyo dowlad goboleedka Hirshabelle inay gacan ka geystaan sidii loo xiri lahaa fatahaada wabiga uu ka sameeyey deegaanka Raqayle.

Wabiga Shabelle oo biyo badan wada ayaa bilihii la soo dhaafay qalalnaa waxaana haatan laga cabsi qabaa in wabiga uu ku fataho deegaano horleh.Maamulka Hirshabelle ayaa dhawaan uga digey dadka ku nool hareeraha wabiga Shabelle halista ka dhalan karta fatahaada wabiga Shabelle.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More