Wada-hadaladii Kismaayo oo burburay iyo madaxweyne Xasan oo kasoo duulay

0
22

Nov 06(Jowhar)-Wafdigii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow ka soo ambabaxay Kismaayo, iyadoo uu soo sagootiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wada hadalada ayaa noqday mid lagu kala tagay oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Ilo wareedyo labada dhinac ah ayaa sheegaya inuu jiro qaab weji-dadbasho ah oo War murtiyeed uu dhinac walba soo saaro, si looga ilaaliyo in wada hadaladu burbureen laguna muujiyo in wada hadalada sii soconayaan, inkastoo arrintaas qudheeda aan la isku fahmin nuxurkiisa iyo qaabka loo dhigayo.