Wadaad caan ah oo lagu diley Gaalkacyo oo maanta la aasay

Allaha u naarisitee Sheekh Cali Axmed Faarax oo loo yiqiin Sheekh Cali Dheere oo ahaa maamulihii xarunta daryeelka agoonta ee Gobolka Mudug ayaa maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo.

Aaska Sheekh Cali Axmed ayaa waxaa ka qeygbalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, madax ka tirsan maamulka gobolka Mudug qeybta Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo goobta aaska warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in cadaalladda la horkeeni doono dambiilayaashii ka dambeeyey dilka Sheekh Cali Dheere.

Allaha u naxariistee Sheekh Cali Dheere ayaa caan ka ahaa gobolka Mudug,waxana uu ka shaqeyn jiray arrimaha samafalka iyadoo maalmo ka hor lagu dilay deegaan hoos taga magaalada Gaalkacyo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More