Wadamada Carabta iyo Islaamka oo ku baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo duqeynta Qaza

Nov 11 (Jowhar.com)-Shir madaxeedka Carabta iyo Islaamka oo uu Sacuudigu martigeliyay ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Gaza, wuxuuna diiday in ficillada Israa’iil ee ka dhanka ah falastiiniyiinta uu yahay mid isdifaac ah.

Shir madaxeedka ayaa war murtiyeed laga soo saaray waxaa lagu cambaareeyay gardarrada Israa’iil ee Marinka Gaza, dembiyo dagaal iyo xasuuqa bahalnimo oo bini’aadantinimada ka baxsan dadka rayidka ah.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in la joojiyo go’doominta Gaza, ogolaanshaha gargaarka bini’aadantinimo iyo joojinta dhoofinta hubka ee Israel.

Hogaamiyayaasha ayaa dalbaday in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaato qaraar adag si loo joojiyo gardarrada Israel ee Gaza.

Kulankan oo markii hore waxaa la filayey in ay ka qeyb galaan 22-ka xubnood ee ururka Jaamacadda Carabta, balse markii dambe waxaa shirka lagu kordhiyey ururka iskaashiga Islaamka (OIC) oo ah urur ballaaran oo ay ku mideysan yihiin 57 dowladood oo u badan Muslimiin, kuwaas oo dalalka Jaamacadda Carabta ay ka tirsan yihiin.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan (MBS) oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo howlgallada militari ee Gaza, lana sii daayo dhammaan maxaabiista.

“Tani waa masiibo bini’aadantinimo oo caddaysay guul-darrada beesha caalamka iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay soo afjaraan xadgudubyada guud ee Israa’iil ee sharciyada caalamiga ah ee bini’aadantinimada, ayna caddeeyaan labada halbeeg ee caalamku qaatay,” ayuu yiri.

“Waxaan hubnaa in sababta kaliya ee nabadeed ay tahay dhamaadka gumeysiga Israel iyo degsiimooyinka sharci darrada ah, iyo soo celinta xuquuqaha la aasaasay ee dadka Falastiiniyiinta iyo aasaaska dawladnimada 1967, iyada oo Bariga Jerusalem ay tahay caasimad,” MBS ayaa hadalkiisa daray.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Israa’iil ay ka aargoosaneyso carruurta iyo haweenka Gaza, isagoo dib u cusbooneysiiyay baaqiisa ku aaddan xabbad-joojin degdeg ah.

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa iftiimiyay in Gaza ka sokow, weerarrada ciidamada Israa’iil ee Daanta Galbeed ee la haysto ay sidoo kale sii kordhiyeen, wuxuuna ugu baaqay Maraykanka inuu joojiyo gardarrada Israa’iil, qabsashada, xadgudubka iyo sumcad-dilista goobaha quduuska ah.

“Ma jiro xal militari iyo mid amni oo la aqbali karo maadaama ay dhamaantood fashilmeen. Waxaan si cad u diidnay dadaal kasta oo lagu doonayo in dadkayaga looga barakiciyo Gaza ama Daanta Galbeed,” ayuu Cabbaas ku daray hadalkii uu ka jeediyay kulanka.

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa su’aal ka keenay ilaa intee in le’eg ayay beesha caalamku ula dhaqmi doontaa Israa’iil sidii inay ka sarreyso sharciga caalamiga ah.

“Dunida caalamiga ah ayaa weli ah mid difaac ah dhammaan muuqaalladan hortooda. Yaa qiyaasi karay in cisbitaallada si cad loo duqeeyo qarniga 21-aad? ayuu weydiiyey.

OIC waxaa ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah adduunka Islaamka oo dhan, oo ay ku jiraan dhulka Falastiin ee deriska la ah Masar iyo Urdun, Lubnaan, Turkiga iyo Ciraaq.

Abdel Fattah el-Sisi, madaxweynaha Masar, ayaa ku nuuxnuuxsaday in siyaasadda “ciqaab wadareed” dil, go’doomin iyo wareejin xoog ah, ay tahay mid aan la aqbali karin. “Tani looma fasiran karo is-difaac, waana in si degdeg ah loo joojiyo”.

Iyadoo Iran ay marar badan ka digtay in baaxadda dagaalku uu sii balaarin doono haddii Israel ay joojin waydo weeraradeeda, ayaa sidoo kale Madaxweyne Ebrahim Raisi waxa uu ka qayb galay kulanka ka dhacay Riyadh, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horeysay ee Madaxweyne Iran ah muddo 11 sano ah.

“Duqeymaha indho la’aanta ah ee ka dhanka ah Gaza waa in la joojiyaa,” ayuu yiri Raisi, isaga oo intaa ku daray “Dowladaha Islaamku waa in ay u magacaabaan ciidanka gumeysiga iyo nidaamka gardarrada ah [Israa’iil] urur argagixiso”.

Raisi waxa uu iftiimiyay in Washington ay Qaramada Midoobay ku taageerto Israa’iil isla markaana ay diido qaraarada ka hortagaya dilka Falastiiniyiinta.

Duqeymaha cirka ah ee aan joogsiga lahayn iyo weerarada dhulka – oo jawaab u ahaa weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas ay ku dishay ilaa 1,200 oo Israa’iiliyiin ah – ayaa lagu dilay in ka badan 11,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan rayid.

Israa’iil ayaa si weyn u xoojisay weerarrada ay ku qaadayso isbitaallada maalmihii la soo dhaafay, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nolosha hal milyan oo carruur ah oo Gaza ku nool ay meel halis ah gaartay.

Jaamacadda Carabta ayaa ka kooban 22 dal oo ay ku jirto Suuriya, taasoo horraantii sanadkan dib loo aqbalay ka dib markii hoggaamiyeyaasha Carabta ay dib u bilaabeen wadahadalladii ay la lahaayeen Madaxweyne Bashaar Al-Asad ka dib toban sano oo dagaallo sokeeye ah oo dalkaas ka dhacay.

Shir madaxeedkan wadajirka ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo ka socda gobolka iyo meelo kale.

Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii marti galisay shir madaxeedka Afrika iyo Sacuudiga oo ka dhacay Riyadh, halkaas oo MBS uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka.

Hogaamiyayaasha Russia, Iran, Turkey iyo Pakistan ayaa khamiistii shir ku yeeshay caasimada Kazakhstan ee Astana si ay uga wada hadlaan xaalada Gaza.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More