Wadamada Muslimka oo shir deg-deg ah ka yeelanaya falkii ka dhacay Sweden

?????????????????????????????????????????????????????????

July. 02 (Jowhar.com)-Ururka OIC ayaa shir deg-deg ah isugu yeeray wadamada Muslinka waxaana shirkan looga hadlayaa sidii si wadajir ah tallaabo looga qaadi lahaa gubitaanka Qur’aanka Kariimka ee Arbacadii ka dhacday dalka Sweden.

Shirkan oo lagu qabanayo magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, ayaa la qorsheynayaa in diiradda lagu saaro sidii go’aan mideysan looga gaari lahaa islamarkaana tallaabada ku habboon looga qaadi karo falka gardarrada ah.

Ururka OIC ayaa hore u cambaareyay falkii uu wiilkan dhalinyarada ah ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq kanasoo cararay dalkiisa uu Sweden ku sameeyay.

Inta badan wadamada Muslimka ah ayaa u yeertay safiiradooda u jooga dalka Sweden si ay u muujiyaan dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More