Wadamadee ayay IMF ku leedahay lacagaha ugu badan iyo kuwo ugu yar qaarada Afrika

Dec 13 (Jowhar.com)- Hay’ada Lacagta adduunka ee IMF ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika.Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Adduunka.
Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hay’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, isagoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale.

Dalka Soomaaliya ayaan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey,waxaana la filayaa in dhawaan dalka Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo ah lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

Halkan hoose ka aqriso 10ka waddan oo Afrikaan ah oo deymaha ugu badan ku leh IMF

1. Egypt $11,968,321,674
2. Angola $3,153,816,667
3. South Africa $2,669,800,000
4. Côte d’Ivoire $2,117,559,620
5. Kenya $2,058,982,100
6. Nigeria $1,840,875,000
7. Ghana $1,644,377,000
8. Morocco $1,499,800,000
9 Democratic Republic of Congo $1,294,500,000
.10. Tunisia $1,259,139,338

Sidoo kale waxaa la soo saaray liiska 10ka dal ee ay hay’ada IMF ku leedahay lacagaha ugu yar marka loo eego qaarada Afrika.

Halkan hoose ka aqriso 10ka dal ee lacagta ugu yar ay ku leedahay IMF.

1. Sao Tome & Principe $24,816,432
2. Djibouti $31,800,000
3. Lesotho $31,995,000
4. Guinea-Bissau $41,073,400
5. Cabo Verde $50,720,000
6. Equatorial Guinea $76,537,000
7. Eswatini $78,500,000
8. Gambia $97,762,500
9. Seychelles $98,419,500
10. Burundi $103,100,000

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More