Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo xiran iyo faah faahin laga helayo sababta loo xiray.

June 07 (Jowhar.com)-Waxaa saaka xiran qaar kamid ah wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo toosay ciidamada amaanka oo gawaarida ciidan ku jaray wadooyinka muhiimka ah, gaadiidkana ku amraya iney dib uga laabtaan.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaa , Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka xooga, Sheekh Cali Suufi,  Isgoyska Banaadir, Soobe, Lambar afar (KM4), Wadada 21 Oktoobar iyo jidka dheer ee Maka Al-Mukarama.

Ciidamada wadooyinkan xirtay ayaa meelaha qaar xitaa diidaya isu socodka dadka, waxana shacabka lagu amrayaa iney dib u laabtaan, iyadoo dadka ay yihiin kuwo cagohooda maalaya, arrintan si gaara waxey u saameysay ardeyda iyo dadka u kalahayay goobohooda shaqo.

Si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xirnaanshaha wadooyinkan, waxaase jira warar sheegaya in Taliyaha Ciidanka xoogga ee dalka Burundi, Genaraal Niyingabo Prime oo shalay Muqdisho soo gaaray uu maanta tagayo xarunta madaxtooyada oo uu kula kulmayo madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More