Wafdi heer wasiiro ah oo gaaray magaalada Jowhar

Guddiga Wasiirada ah ee uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu dhawaan u magacaabay inay Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala shaqeeyaan dajinta xiisadda iyo xal u helista khilaafka taagan ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar.

Guddigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha General Muqtaar, ayaa waxaa xubno ka ah Wasiirka Amniga, Wasiirka Ganacsiga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxana ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Hirshabelle iyo waxgaradka ku sugan Jowhar.

Waxaa weli uu khilaaf ka taagan yahay sidii xal loogu heli lahaa arrimaha siyaasada ee la xiriira Maamulka Hirshabelle iyadoo mid kamid ah beelaha degta gobolka Hiiraan ay kasoo horjeedo inuu tago magaalada Beledweyne Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Hase yeeshee waxaa magaalada Beledweyne ku sugan haatan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Tegista magaalada Jowhar wafdigan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli ay ka socoto ololaha doorashada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More