Wafdi hordhac u ah madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Garoowe.

August 24 (Jowhar.com-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Huruuse iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Wafdigan oo ka duulay garoonka Muqdisho ayaa waxaa Garoowe ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan maamulka Puntland, iyadoo intaasi kadib loo galbiyay goob gaara oo loo diyaariyay mas’uuliyiintaan.

Wasiir Abshir Huruuse ayaa gogol xaar u ah wafdi balaaran uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinimada beri oo Khamiis ah ku wajahan Garoowe, halkaasoo ay uga bilaabaneyso safar dhowr maalin qaadanaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Siciid C/llaahi Deni ayaa kala hadli doona arrimo ay kamid tahay sidii xal loogu heli lahaa mad madowga ka dhex jira labada dhinac iyo sidii si dhow loogu wada shaqeyn lahaa.

Safarka madaxweynaha ee Garoowe ayaa noqonaya kii 3aad uu ku tago maamul goboleedyada dalka, hore waxa uu u aaday maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More