Wafdi ka qeyb galaya caleema saarka madaxweyne Xasan oo soo gaaray Muqdisho

June 06 (Jowhar.com)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdigii u horeeyay ee ka socda wadamada deriska la ah Soomaaliya, kuwaasoo ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaceysa 9-ka bishan.

Wafdiga Maanta soo degay oo ka socday dalka Jabuuti waxaa garoonka ku soo dhaweeyay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo loo galbiyay hoteel gaar ah oo loo sii diyaariyay madaxda wadamada caalamka ee martida ah.

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo kamid ahaa xubnaha soo dhaweeyay wfdigan ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu Muqdisho ku soo wajahan yahay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo kamid ah madaxda la casuumay.

“Waxaan maanta wafdi horudhac ah oo ka socda waddanka aan walaalaha nahay ee Djibouti ku soo dhaweeynay magaalada Mugadishu, iyagoo ka soo hormaray Madaxweyne Ismail Omar Ghelle oo maalinta khamiista ka soo qaybgeli doono caleema saarka Madaxeyne Xassan Sheikh Maxamuud. Waxaa soo dhawaynta wafdiga ka qaybqaatay wasiir khadiija M. DIriye, wasiir Xagaa iyo xildhibaano ka tirsan BFS” ayuu yiri xildhibaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka madaxweyne dib loogu doortay 15-kii bishii hore ayaa la filayaa in la caleema saaro Khamiista nagu soo foolka leh, waxaana caleema saarkiisa kadib la filayaa inuu soo magacaabo ra’iisul wasaarihiisa cusub, si loo dhameystiro howlaha u dhiman dowladda cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More