Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta booqday magaalada Jowhar

July. 26 (Jowhar.com)-Wafdi ay hoggaaminayeen Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabisan FAO, IOM iyo UNHABITAT ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Jowhar iyagoo la kulmay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Wafdigaan oo ka koobnaa Wakiilka Hay’adaha IOM Frantz Celestin, Wakiilka FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo Madaxa Mashaariicda Hay’adda UNHABITAT Sebastian May oo ay wehliyeen Agaasimayaasha iyo hawlwadeennada mashriicda kala duwan ay hay’adahaan ka fuliyaan deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabelle oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, Agaasimeyaasha Hay’adaha Dowladda iyo la-taliyeyaal sare ayaa lagu soo bandhigay mashaariicda ay hay’adahaan ka fuliyaan Hirshabeelle iyadoo lagu falanqeeyay baahiyaha ka jira deegaanada laga xoreeyay khawaarijta, saameynta taban ee biyo baxadu ku yeelatay dadka iyo deegeenka, horumarinta Kaabaya dhaqaale, u adkaysiga aafooyinka dabiiciga ah, harumarinta magaalooyinka iyo dowlad wanaag.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee IOM, FOA iyo UNHABITAT garab istaagga ay siiyaan Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle gaar ahaan ka jawaabista xaaladaha deg-dega, horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo maal-gelinta deegaanada laga xoreeyay khawaarijta wuxuuna ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista wada shaqaynta si dadka loo gaarsiiyo adeegayada ay u bahan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More