Wafdi ka socday Uganda oo madaxweyne Xasan warbixin ka siiyay weerarkii Buula-mareer

Jun. 07 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Sare ee Hawlgalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka.

Waxa uu sidoo kale ka dhageystay xogta la xiriirtay weerarkii Shabaab ay ku qaaday Buula-mareer 26-kii bishii hore ee May, weerarkaas oo lagu dilay 54 askari oo u dhalatay dalka Uganda.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramey wafdiga Uganda sida ay u socdaan hawlgallada dalka ka dhanka ah argagixisada, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halgankan, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiig iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah argagixisda Alshabaab.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More