Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka heer qaran

Xubno ka mida Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Cirro ayaa kulan la qaatay ku- xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aamina Janne Maxamed.
Intii Kulanku socday waxa aad loo lafa guray Arimaha Doorashooyinka dalka iyo sidii loo dar dar gelin lahaa.

Waxa kale oo laga wada hadlay sida ugu haboon ee loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ugu yaraan 30%.

Ugu dambayn Guddiga ayaa dhankooda xaqiijiyay in geedi socodka Doorashada dalku meel fiican marayso, Isla markaana dhawaan la filaayo in la soo gabagabeeyo Doorashada Aqalka Sare, si loogu gudbo Doorashada Golaha Shacabka, laguna saleeyo jadwalkii ugu danbeeyay ee ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa kahor inta aysan la kulmin guddiga doorashooyinka waxa ay kulamo la yeesheen Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More