Wafdigii Kenya oo saaka Nairobi u laabanaya xili aan wax hormar ah laga sameyn wada-hadalkii Xasan iyo Madobe

0
50

Nov 06(Jowhar)-Wada hadaladii ayaa mar kale saaka la isku laabtay, kaddib kulamadii xalay oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Illaa hadda wax horumar ah lagama gaarin wada hadalada, dadaalada diblomaasiyadeed ee Kenya waday ayaa sii socda, iyadoo labada dhinac  u kala dabqaaxdyso

Dhanka wafdigii Kenya ka socday ayay u badan tahay inay gelinka hore ee saaka ka ambabaxaan Kismaayo, halka wafdiga Madaxweynaha ay geeddi yihiin, sidoo kalena diyaaradahooda ay fadhiyaan garoonka.

Xaalku wali waa adag yahay, in wada hadalada burburaan waa suura gal ama in la soo saaro war murtiyeed weji dad-basho ah, si wada hadalada loo dhaho waa sii soconayaan, haddii aanay labada dhinac midna tanaasul dhab ah la imaan.