Waqooyiga Kuuriya oo dib ugu celisay dalkiisa Askari Maraykan ah oo baxsad ahaa

Sep 27 (Jowhar.com)-Askari Maraykan ah oo lagu magacaabo Travis King, oo ka soo cararay Koonfurta una gudbay Kuuriyada Waqooyi bishii July, ayaa dib loogu celiyay dalka Maraykanka isagoo la dhigey xabsi.

Pvt King ayaa loo gudbiyay xabsiga Mareykanka ee Shiinaha ka hor inta aan loo duulin saldhig militari oo Mareykanka ah.23-jirka ku takhasusay sahminta ayaa si sharci darro ah ugu gudbay Kuuriyada Waqooyi bishii Luulyo.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in sababta uu u baxsaday ay tahay fal bini’aadantinimo ka baxsan iyo cunsuriyad ka dhex jirta ciidamada Mareykanka.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa Arbacadii sheegay in ka dib bilo diblomaasiyad adag Pvt King lagu soo celiyay gacanta Mareykanka oo uu la hadlay qoyskiisa.

Ka dib markii ay saraakiisha Mareykanka kula kulmeen magaalada Dandong ee xuduudka Shiinaha, Pvt King waxaa qaaday diyaarad ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo geysay saldhigga ciidamada cirka Mareykanka ee Kuuriyada Koonfureed.

“Hay’adda ay khusayso ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kuuriya waxay go’aansatay inay masaafuriso askariga Maraykanka ah ee Travis King, kaasoo si sharci-darro ah ku soo galay dhulka jamhuuriyadda, iyadoo la raacayo shuruucda jamhuuriyadda,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay dowlada Waqooyiga Kuuriya.

Pvt King wuxuu ka mid ahaa ciidanka ilaa Janaayo 2021 wuxuuna ku sugnaa Kuuriyada Koonfureed taas oo qayb ka ah wareegtada cutubka.

Kahor inta uusan gelin Kuuriyada Waqooyi, waxa uu muddo labo bilood ah ku xirnaa dalka Kuuriyada Koonfureed, kadib markii lagu eedeeyay in uu labo qof u gacan qaaday, islamarkaana uu laaday gaari boolis ah. Waxaa xabsiga laga sii daayay 10kii Luulyo.

Waxa ay ahayd in uu dib ugu soo laabto Maraykanka si uu u maro dacwado anshaxeed, laakiin waxa u suurtagashay in uu ka dhoofo madaarka oo uu ku tago socdaal la hagayay tuulada Panmunjom ee xuduudka ku taal oo ah aagga sida aadka ah loo ilaaliyo (DMZ) ee u dhexeeya labada dal.

Sarkaalka sare ee maamulka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan diiradda loo saari doono sidii loo qiimeyn lahaa caafimaadkiisa ka hor inta aysan dhicin falal anshax iyo maamul.

Dowlada Sweden ayaa ka qeyb qaadatay sidii askarigan dib loogu soo celin lahaa dalkiisa.Maadaama Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi uusan lahayn xiriir dublamaasiyadeed, safaaradda Sweden ee Pyongyang ayaa sidii caadada ahayd mas’uul ka ahayd Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More