July 19 (Jowhar)-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in 1-da bisha Agoosto si rasmi ah loo furi doono kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu faray xildhibaanada labada Aqal inay si degdeg ah u soo xaadiraan kalfadhiga, isla markaana ay yimaadaan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan howlaha Baarlamaanka.
Dib u furista kalfadhigan ayaa ku soo aadeysa xilli si weyn loo hadal hayo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole ay wadaan musharixiin dhowr ah oo doonaya xilka hoggaanka Golaha.
Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ayaa indhaha ku haya sida uu noqon doono loollanka xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo imaanaya xilli dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.
Furitaanka kalfadhiga 8-aad ayaa la filayaa inuu noqdo marxalad muhiim ah oo saameyn ku yeelan karta jihada siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.











