Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goor dhow qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay isgoyska Hotelkii hore ee Jubba ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa oo isku dhex qarxiyay goob maqaaxi ah oo ay dad badan ku sugnaayeen.

Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxan balse waxaa ay wararka sheegayaan in dad dhaawac ah laga qaaday goobta oo loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka tegey goobta uu qaraxu ka dhacay waxayna halkaasi ka bilaabeen baaris ay ku doonayaan inay ku ogaadaan raadadka qofkii is qarxiyay.

Magaalada Muqdisho ayaa amnigeedu uu wanaagsanaa toddobaadyadii la soo dhaafay hase yeeshee waxaa qaraxyada ay geysanayaan dadka isku soo xira jaakadaha ka sameysan waxyaalaha qarxa ay ku soo badanayaan caasimada dalka iyadoo hore goobo ganacsi oo ku yaal magaalad Muqdisho ay isku qarxiyeen rag soo xirtey waxyaalaha qarxa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More