Faahfaahin ka soo baxaysa Qarax ka dhacay goor dhow Magaalada Jowhar

Qarax lagu soo xirey gaari noociisu yahay Noah ayaa goor dhow ku qarxay magaalada Jowhar gaar ahaan meel dhawaan uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii gaari Nooha ah oo lagu soo raray waxyaalaha qarxa ay ku qaraxday 7da geed ee magaalada Jowhar.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa badankood waxa ay yihiin dad rayid ah kuwaasoo hadda lagu daweynayo isbitaalka magaalada Jowhar.

Gaariga qarxay oo la soo dhigey saaka goobta uu ku qarxay ayaa waxaa watay labo nin oo dhalinyaro ah oo aan la garaneyn.

Ciidamada Booliska oo tegey goobta inta aanu gaariga qarxin ayaa waxaa ay boolisku jebiyeen gaariga balse waxa uu qarxay gaariga xilli ay ciidamadu doonayeen inay baaritaan guud ku sameeyaan.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle oo la xiriira qaraxan oo ah kii labaad oo ka dhaca magaalada Jowhar bil gudaheed.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolkan Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu ka badbaaday qarax miino guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasada degmada Balcad Ismaaciil Barre Nuur kadib markii gaari uu watay lala eegtay qarax miino.

Ma jiro waxyeelo nafeed oo ka dhashay qaraxan balse waxaa soo gaaray burbur guri ku dhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More