Akhriso;War murtiyeedka Shirka Madasha Qaran oo la saxiixay lana shaaciyay

Kadib markii la xaliyay khilaafka sababay inay dib u dhacdo munaasabada lagu soo gunaanudayay shirka Madasha Qaran ayaa ugu dambeyntii waxaa haatan si rasmi ah loogu dhowaaqay war murtiyeedka shir muddo toddobaad ah u socday Madaxda dowlada federalka,madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabada shaacinta ayaa waxaa goobjoog ka ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,guddoomiyaasha labada gole,ra’iisul wasaaraha,madaxda maamul goboleedyada,midowga musharaxiinta iyo marti sharaf kale.

Qodobada War-murtiyaadka ayaa waxaa kamid ah in la bedelo xubnaha guddiga Doorashada ee doodda dhaliyay,iyadoo muddo toddobaad gudihiis ah lagu magacaabayo isla markaana guddiga ay dooran doonaan hoggaan cusub.

In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, in amniga ay sugaan Amisom Boolis ah.

In guddiga doorahada Soomaaliland uu 6Xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare.

In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda.

In 60 Maalmood gudahood ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya.

Arinta Soomaalimad Waxaa hogaaminaya Ra’iisul Wasaaraha asaga oo la tashanaya Gudoomiyaha aqalka iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

halkan ka aqriso war murtiyeedka;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More