War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii Wadatashiga ee ka socday Muqdisho
July. 13 (Jowhar.com)-Shir ka soconayey muddo laba maalmood ah Hotel Decale ee magaalada Muqdisho una dhexeeyay Madaxda Dowlada Federalka,qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray WarMurtiyeed kooban.
Qodobadii la iskula soo qaaday shirkan ayaa waxa ay u badnaayeen heshiisyada ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana ka mid ahaa qodobadii talooyinka laga dhiibtay ku saabsanaa heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaranka.
Kulankan ayaa waxaa lagu bogaadiyay dagaalka ay dowladu kula jirto Alshabaab,dadaallada dowladda ee deyn cafinta iyo dhameystirka hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya iyo in ciidamada Qaranka ay si buuxdo ula wareegaan amniga.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga ee u dhexeeyey Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee Dalka.
“Xukuumadda Dan-Qaran waxay soo dhoweyneyso talooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed, si loogu biiriyo hiigsiga Xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.