Warar kasoo kordhay weeraraka ka dhacay gudaha xerada Jen Gordan

Feb 10 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helahaa khasaaraha ka dhashay weerar culus ko caawa fiidkii ka dhacay xero ku taala magaalada Muqdisho.

Labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhex dilay gudaha Xerada Ciidanka Jen Gordon ee degmada Hodan, halka labo kale la dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in askari ka mid ah ciidanka lagu tababarayay xeradaas uu falkan geystay, iyadoo ninkii falka geystay uu ku dhintay is rasaaseyn muddo socotay oo xerada ka dhacday.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay ciidanka Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jen. Gordon.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More