Wararkii u dambeeyay ee xaaladda xabsiga dhexe ee Hargeysa & 7 suxufi oo la xiray.

April 13 (Jowhar.com)- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa rasaas xooggan oo laga maqlayo gudaha xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa, iyadoo uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkan.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in qaar kamid ah maxaabiista ku xirneyd xabsiga ay hub iyo rasaas gacanta ay ku dhigeen, taaso keentay iney dagaalamaan, iyadoo mudo saacad kabadan uu socday dagaalka, mana jirto xog buuxda laga helayo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamadda RRU iyo kuwa booliska Somaliland oo daqiiqado kadib tegay xabsiga ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala, iyagoo ka feejigan in maxaabiista qaar ay xabsiga ka baxsadaan.

Wasiiro iyo taliyayaal ciidan ayaa haatan ku sugan qeybo kamid ah xabsiga, kuwaasoo hoggaaminaya howlgalkan, iyadoo saraakiisha ciidanka ay dadka shacabka ah u sheegayaan iney is dajiyaan, xaaladana goordhow ay caadi ku soo celin doonaan.

Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 10 wariye, kuwaasoo xabsiga u tagay sidii ay uga soo warami lahaayeen xaaladda dhabta ah ee halkaasi ka jirta, xarigooda waxaa amray taliyaha ciidamada milatariga Somaliland.

Xukuumadda ayaa gebi ahaanba warbaahinta madaxa-banaan u diiday inay kasoo ag dhawaato agagaarka xabsiga, si ay u tabiyaan waxa jira, ayada oo telefishanka ku hadla afka dowladda uu yahay ka kaliya ee loo ogol yahay in siday xukuumaddu rabto u tabiyo xaalada halkaas ka taagan

Wariyayaasha xiran ayaa kala ah;

Wariye Axmed Shimaali oo Horn Cable Tv ka tirsan.

Wariye Axmed Samraawi oo Bulsho Tv ka hawlgala.

Wariye Niciima Abdi Ahmed oo kamid ah saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Hargeysa.

Wariye Sagal Mustafe Hassan Nuur oo VOA Hargeysa uga waranta.

Wariye Axmed Maxamuud oo Saab Tv ka shaqeeya.

Wariye Hassan Galleydh oo idaacada Bbc-da uga soo warama Hargeysa.

Wariye Mohamed Ilig oo ka tirsan MM TV oo la xiray isagoo toos uga waramaya weerarka xabsiga Hargeysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More