Wararkii u dambeeyay khasaaraha dagaalka ka dhacay magaalada Baydhabo.

Dec. 23 (Jowhar.com)-Faah faahini dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo saaka ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidanka Koofur Galbeed ay weerar ku qaadeen ciidanka isku magacaabay ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed oo uu watay musharax u taagan xilka madaxtinimada maamulkaasi.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti oo kamid ah dadka diidan mudo kororsiga Lafta-gareen loo sameeyay ayaa watay ciidankan, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalkan oo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta ah mid kacsan, waxaana socda abaabul ay wadaan dhinacyada dagaalamay, iyadoo ganacsiga meelaha qaar ee magaalada saaka uu yahay mid xiran.

Dadka shacabka ah ayaa cabsi xooggan soo wajahday, iyadoo gurmadyo kala duwan ay soo gaarayaan labada garab ee dagaalka uu dhexmaray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More