Wararkii u dambeeyay kulan ay Muqdisho ku yeesheen gudoomiyaha Aqalka sare iyo Safiirka sucuudiga.

May 21 (Jowhar.com)- Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Saalax Almuwallad , iyagoo yeeshay kulan mudo kooban socday.

Sida wararka tilmaamayaan, Safiirka ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa, iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare iyo tii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.

Waxaa kale ooy ka wada hadleen labada mas’uul sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka Labada Dal Soomaaliya iyo Sacuudiga oo hooseeya Shantii sano uu talada dalka maamulayay Farmaajo oo soo dhaweystay dowladda Qatar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More