Wararkii u dambeeyay Qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar

Dec. 11 (Jowhar.com)-Maareeye ku xigeenkii Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar Mahad Muxidiin Calasow ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo lagula eegtay meel u dhexeysa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere Airport iyo magaalada Jowhar.
Mahad Muxidiin Calasow oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa dhaawacii soo gaaray waxa uu ugu geeriyooday isbitaalka magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa qaraxan u geeriyooday mid ka mid ah ciidamada booliska garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere, halka uu dhaawac ka soo gaaray taliyaha ciidamada booliska garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar Kabtan Muuse.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan, waxaana goobta xiligan howlgalo ka wada laamaha amaanka, iyagoo ku daba jira kooxihii weerarkan geystay.

Qaraxan ayaa ah kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Jowhar tan iyo markii howlgalada ka dhanka ah Alshabaab uu ka bilowday dowlad goboleedka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More