Wararkii u dambeeyay qaraxyada Muqdisho iyo hoteel weerar lagu qaaday.

August 19 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo dagaal toos ahaa oo saladii maqrib ee caawa kadib laga maqlaya nawaaxiga isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee la helayo waxa ay sheegayaan in hoteel lagu magacaabo Xayaat weerarka lagu qaaday, iyadoo la maqlay ilaa saddex qarax oo ay xigeen rasaas culus.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay iney gudaha u galeen hoteelka, waxaana hoteelkaasi isku hareereeyay ciidamada amaanka oo isku dayaya sidii ay u soo badbaadin lahaayeen dadka ku jiro gudaha hoteelka oo ah mid ay fariistaan siyaasiyiin iyo Shacab.

Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo uu hoggaaminayo taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa howlgalk socda qeyb ka ah, iyagoo isku dayaya sidii ay u soo afjari lahaayeen dableydan.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay weerarkan, walow aan tirada rasmiga ah la sheegi karin.

Taliyaha qeybta waliyow Cadde ee booliska gobolka Banaadir Mahad Koroow ayaa kamid ah dadka ku dhaawcamay weeraradan, waxaana saameeyay qaraxii 2aad oo ahaa gaari looga tagay banaanka hoteelka weerarka lagu ekeeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More