Wararkii u dambeeyay shirkii lagu dhexdhexaadinayay Farmaajo iyo Rooble

Shirkii lagu dhex dhexaadinayay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday, iyadoo lagu kala tagay, kaddib saacado badan oo ay is hor-fadhiyeen.

Labada dhinac ayaa isku mari waayay qodobada kala ah kiiskii Ikraan Tahliil in lagu sameeyo baaritaan madax bannaan oo hey’addaha Cadaaladda u gudubto iyo arrinta Taliyaha NISA.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu diiday labadaas qodob, kuna adkeystay in gorgortan aan laga geli karin, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu mowqifkiisa ku taagnaa.

Shalay Duhuradii ayaa Madaxweynayaasha Galmudug Qoorqoor iyo Koonfur Galbeed Laftagareen waxaa ay isku keeneen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo si aad ah uga dooday qodobada ay isku hayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More