Wararkii u danbeeyay Dagaal ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Nov. 11 (Jowhar.com) -Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay deegaanka Burdaar ee galbeedka magaalada Beledweyne.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidamadda Gorgor ay ku leeyihiin deegaakaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo socday wax ka badan saacad, kaasoo la isu adeegsaday hubka noocuadiisa kala duwan.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka uu fashilayay weerarkaasi, kadib markii uu helay xogta qorshaha Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamadu ay dileen 12 kamid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab, kadib markii ay ciidamadu ka hortageen weerarkooda, Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka dhaawacmeen 3 Askari oo kaliya.

Weerarka saaka lagu qaaday Saldhigga Ciidamada Gorgor ee degaanka Burdaar ee Goolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay uu hakad galay howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socda degaannada Gobolka Hiiraan,Wararkii u danbeeyay Dagaal ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More