Wararkii u danbeeyay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho.

June 05 (Jowhar.com)- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar bam gacmeed ku bilowday oo xalay lagu qaaday Bar-koontorool oo Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya ku leeyihiin Agagaarka masaajidka loo yaqaano Turkiga ee kuyaalla Wadada u dhaxeysa Isgosyka Fagax &  Xaafadda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in weerarkaas uu ku geeriyooday hal qof oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska ee ku sugnaa goobta la weeraray, Wiilka Dhalinyarada ah ee geeriyooday oo wadada marayay, ayaa lagu Magacaabi jiray Sakariye Cabdullaahi Sabriye.

Dad goob joogayaal ah ayaa sidoo kale sheegay in weerarka ay soo qaadeen ciidan milatari ah oo markii hore ay qash qashaad ku sameeyeen booliskii goobta joogay iyaga oo aan hubeysneyn, balse markii danbe ayey isa soo hubeeyeen waxaana goobta ka dhacay dagaal sababay in ciidamadii booliska ay isaga cararaan fariisinkoodii.

Xalay xili danbe ayaa la sheegay in ciidamo gurmad ah ay gaareen goobta, waxaana haatan bartii kontrol ku sugan askarta amniga ee dowladda, iyagoo sameeyay baaritaano aan wax dad ah lagu soo qaban, ciidamadii milatariga ayaa la sheegay iney goobta isaga tageen, waxeyna aadeen goobaha ay ka soo duulaan tageen markoodii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More