Wararkii u danbeeyay dagaal xalay ka dhacay degmada Wadajir iyo burcad la soo qabtay.

June 09 (Jowhar.com)-Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya iyo koox burcad ah oo dadka dhaceysay ayaa xalay ku dagaalamay qeybo kamid ah degmada Wadajir, iyadoo dagaalka uu sababay in gacanta lagu soo dhigo kooxihii dhaca geysanayay qaarkood.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ilaa 5 qof oo kamid ah kooxihii dadka baaran jiray, sidoo kale waxaa gacanta lagu hayaa laba Mooto oo ay wateen, iyadoo la geeyay saldhigga booliska degmada Wadajir.

Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay Xaafada Ceelqalow Waaxda Koowaad ee janeral daa’ uud ayaa ka danbeeyay markii ay cabasho soo gudbiyeen dadka shacabka ah oo hay’adaha amniga la wadaagay dhibaatada ay ku hayaan kooxaha hubeysan ee dadka ka qaata taleefanada iyo mobilada, iyadoo fariintooda deg deg looga soo jawaabay.

Guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Dalxiis) ayaa sheegay in ay jiraan rag kale oo Ciidamada amniga ay ku raadjoogaan, wuxuuna u mahad celiyay Gudoomiyaha dagmada wadajir, taliyaha ciidanka booliska dagmada oo qeyb ka ahaa howlgalka lagu soo qabtay ragga Burcadda ahaa.

Degmooyin badan oo kamid ah magaalada Muqdisho waxaa habeenadii la soo dhaafay ku soo batay dhaca ay geysanayaan burcada ku hubeysan qoryaha, bistooladaha iyo Toorida, waxaana meelaha qaar laga soo wariyay in dhalinyaro loo dilay falkan, iyadoo laamaha amaanka ay laba jibaareen howlgalada ka dhanka ah kooxahan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More