Wararkii u danbeeyay dhalinyaro Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koofur Afrika.

June 04 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay geysteen burcad Koofur Afrikaan oo la dhacay xaafad lagu magacaabo Strand oo ku taala Magaalada Cape Town.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in kooxda ay xoog ku galeen dukaamo isku dheganaa oo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah, waxeyna ku bilaabeen rasaas iyagoo intaasi kadibna ku dhaqaaqay iney dhac ka geystaan goobahaasi ganacsi.

Rasaasta waxaa ku geeriyootay laba dhalinyara ah oo lagu kala magacaabk Cabdirashiid Axmed Sheekh Muxuddiin iyo Mowliid Axmed Cadde, halka ay dhaawacyo daran soo gaareen saddex ruux oo kale oo kamid ahaa Soomaalida ka xoogsata dalkaasi.

Sidii caadada eheydba ciidamo boolis Koofur Afrikaan ah ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta, xili ay si nabad ah meesha ugaga tageen kooxda dilka iyo dhaca geysatay, waxeyna ciidamadda meesha ka qaadeen meydadka labada qof iyo dhaawaca saddexda kale, iyagoo Soomaalida ugu laab qaboojiyay in kiiska ay baari doonaan.

Soomaali badan ayaa lagu dilay wadanka Koofur Afrika, halka kuwo kalena dhaawacyo loo geystay xiliyo kala duwan oo la dhacayay goobohooda ganacsi, ilaa iyo haatanna majiro wax qorshe ah oo dowladda wadankaasi ay uga hortageyso falalkan soo noq-noqday, waxaana looga fadhiyaa dowladda cusub ee madaxweyne Xasan iney kaalin ku yeelato sidii loo ilaalin lahaa nolosha iyo hantida Soomaalida ka xoogsata Koofur Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More